![]() Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu leeyahay: "(Alle) ee dhaafa danbiga aqbalana towbada, ayna daran tahay ciqaabtiisu, ee nicmada badan leh, Alle aan ilaahay ahayna ma jiro, xagiisaana loo noqon" (Ghaafir 3). Mahadaha oo dhan waxay usugnaatay allahii na abuuray kadibna caafimaad iyo waxay nafta u baahan tahay ina siiyay. Alle oo nagu xaqleh inaan cibaadada u keli yeelno una hogaansano. Waxaan halkaan ku qorayaa mawduucyo diini ah. Runtiina sidaan horay u dhahay ma'ihi qof caalim ha ee waxaan ahay faqiir ilaahay oo isagaba tiisa u yaaban haddana wuxuu rasuulku s.c.w.yiri: "Iga gaarsiiya aayadba ha'aatee" Waxaan ula jeedaa waxa yar ee diiniga aad garaneyso gaarsii dadka oo keligaa yuu kugu koobnaan. Waxaana dhacda in markaad dadka gaarsiineyso aad adigana ku waano qaadato waxa aad dhahayso. Aayada kor ku qoran waxa ay ina tusineysaa sida uu Alle u naxariis badan yahay oo u dambi dhaafa. mawduucyadeyda dhamaana waxay ku saabsanaan doonaan usoo noqoshada Alle, intuu Alle iga karsiiyana waan kusoo gudbin halkaan. Alle ha iga dhigo mida ku dhaqanta waxa ay farayso, idinkana iigu soo duceeya, inuusan Alle iga dhigin kuwa maalinta qiyaame lagu oranayo: maxaad u sameeyn weydeyn waxa aad farayseen. Alle ha idinka abaalmariyo soo booqashadiina iyo aqriskiinaba, Aamiin. Qiimaha salaada. Xijaabka. |