Asalaamu caleykum waraxmatulaah.

xuquuqda ay isku leeyihiin labada qof ee isqaba

 

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allahii na abuuray,oo caafimaadkana na siiyay.Waxaan jeclahay inaan halkaan kusoo qoro xuquuqda ay isku leeyihiin labada is qabta, iyo sidaan ku badbaadin leheen guryaha muslimiinta ee burburaya. Run ahaantiina ma ihi qof qabiir ah laakiin waxaan qorayaa waxaan garanayo oo aan kitaabka iyo axaadiista ka qoray iyo in aan u garto in guriga lagu toosin karayo.


Xulasho qofka aad guursanayso
Xaqa ninka uu naagtiisa uu ku leeyahay
Xaqa naagta ay ninkeeda ku leeyahay
Qaladaadka dumarka
Qaladaadka raga
Sideen ku hagaajinaa xurgufaha





Doorashada zowj saalix ah ama zawjad saalixad ah:

Qofka guursanayo waxaa marka hore wanaagsan inuu ku doorto qofka uu rabo inuu nolashana la qaybsado, diintiisa, ma yahay qof alle ka cabsada wuxuu farayana sameeya salaada, soonka, zakada, i.w.m. Rasuulka s.c.w. wuxuu yiri: naagta waxaa lagu guursadaa afar, quruxdeeda, maalkeeda, nasabkeeda iyo diinteeda, ee raadi mida diinta usaaxiibka ah ". Marka kaliya ma'aha raga ee dumarkana waa sidoo kale, inay iyagana ku guursadaan ninka diintiisa, waayo qurux weey baabi'i dhowr sano kadib,maalna waa dhamaan karaa laakiin midka diinta garanayo wuu ka ala cabsi badan yahay midka aan garaneyn. Walow ay jirto dabci wanaag iyo diintoo si fiican loogu dhaqmo.


kor aad



Xaqa uu ninku naagtiisa ku leeyahay:

Xaq dumarka lagu leeyahay waa

1-In ay ninkeeda u baari fasho oo ay adeecdo (warkiisa maqasho) iyadoo ku adeeceysa wuxuu alle faray ee haddii uu amro wax alle ka reebay adeeci mayso, wax walbana waxaa ka horeeyo alle wuxuu ku amray oo aad fuliso.

2-Waxaa kaloo laga rabaa inay xafido gurigiisa iyo caruurtiisa intuu ka maqan yahay, oo aysan gurigiisa soo gelin cid uusan rabin,haddii uu ninku nin fiican yahayna isagaanba diideyn.

3-Haddii uu ninkaaga furaashka kuugu yeerto ha diidin. Rasuulka s.c.w.wuxuu yiri: haddii ninka uu u yeerto xaaskiisa oo aysan u imaan waxaa nacalada malaa'igta intey ka waa bariisaneyso". Waayo wuxuu markaa ku dhici karaa wax xun oo aan alle ka raali ahayn.Haddi ay xanuun jiraana waa in uu adkeysto.

4-Wuxuu kaloo yiri Rasuulka s.c.w."haddaan qof amri lahaa inuu qof u sujuudo (iyadoo xaaraan tahay in loo sajuudo qof) waxaan amri lahaa inay dumarka u sujuudaan ragooda" Taasina waxaa nooga cad inaan ahaano kuwo u baari fala ragooda. Hana ilaawin inuu rasuulku kusoo arkay dumar badan naarta ayna ka mid ahaayeen kuwo loo cadaabayay ragoodii ay dhibeen dartii.

5-Walaasheey waxaad kaloo u ahaataa indhihii uu ku nuursanayay adoo u dhoola cadeeya,iskuna qurxiya intaad awoodid. U ahoow sankuu wax ku carafsanayay adoo isku udgiya (haddaadan allergik ku aheen!) U ahoow dhagihiisa adoo kula hadla hadal macaan oo qalbiga u roon oo qofkii xanaaqsanaa oo lagu dhaho xanaaqii ka baaba'a. Ahoowna tii markuu murugeysan yahay murugada ka baabi'isa. Allena hanaga dhigo kuwii kasoo baxa xaqa lagu leeyahay.

Kor aad



Xaqa dumarka ay ku leeyihiin ragooda:

Ragana iyagana waa

1-Inay kula dhaqmaan dumarkooda dabci wanaag oo ay wanaajiyaan, wuxuu yiri rasuulka s.c.w."raga waxaa ugu aqyaarsan midka reerkiisa u aqyaarsan" haddii uu ninku yahay mid banaanka ku aqyaarsan gurigana aan ku eheen haddaba kaasi ma'aha mid aqyaar ah.

2-Inuu ka fududeeyo dhibka xaaskiisa haysto una dhimriyo.

3-In uu ilaaliyo karaamadeeda.

4-Inuu la kaalmeeyo hawsha guriga,sababtoo ah qurbo lama helayo kaalmadii la heli jiray markii wadankii la joogay, rasuulka s.c.w. wuu caawini jiray xaasaskiisa, oo maad ku dayatid rasuulkii sharafta badnaa oo qof ka fiican adduunku saarneen, idinkaana isugu dhow dad is wehesahanaya.Sheey walboo wanaagsan oo reerkaaga u gashana ala wuu kaa abaalmarin adooy weliba kugu waajibtahay.

5-In uu biilo reerkiisa waxay u baahan yihiin isagoo ugu soo shaqeeynaya dariiqad wanaagsan iyo inta awoodiisa ah.

Haddaba wadankan gaalada ee la joogo waxaa laga yaabaa in cayr la qaato taasina ma'aha inuu ninkii ka gabay hawshiisii ama ay lumeyso ixtiraamkii loo hayay ee noloshiibaa sida noqotay.

6-In uu haweeyniidiisa baro arimaha diinteeda haddii uusan garaneynna uu u ogolaado meelaha ay ku baran karto.

Haddaba waxaynu arkeynaa guryo islaam oo burburayo marwalbo oo haddii lasii baaro sababta waxay ay ahayd aan la garaneyn ama waxyaabo aan micna lahayn, ama in reerkiiba ay ka dhamaatay xubigii oo lagu joogo is karahsasho. Waxaa kaloo jira arimo badan oo keeni kara xanaaq ama xubigii oo guriga ka dhamaato haddaan soo qaato waxyaabaha ka midka ah.

Kor aad



Qaladaadka ka dhaca dumarka:

1- Waxaa dhacda isagoo ka yimid shaqo ama iskuul oo uu daalan yahay ay ku biloowdo qaylo ama xanaaq ay u xanaaqsaneed ay markaa u sheegto, iyadoo weliba si qaylo ah ugu sheegeysa, markaasina waa mararka aan raga loola munaaqashoon, waxayna keeneysaa hadday badato in gurigiibo uu noco imaashihiisa, wuxuu kaloo dareemayaa in aan la jecleyn ileen nin la jecel yahay gacmo furan baa lagu soo dhaweeyaa. Waxaan kaloo maqli jiray" guri lama galee weji furan baa la galaa"

2- Waxay kaloo leedahay waxba ilama qabatid oo ima caawisid isagoo weliba laga yaabo inuu caawiyo laakiin wixii oo dhan ay noqdaan hal bacaad lagu lisay hal mar kaliya oo uu ka gabay howshiisa. Rasuulka s.c.w. na wuu ka dardaarmay inay haweenka iska ilaaliyaan galad la'aantaa ama ay u diyaar garoobaan care alle,bini'aadamkana waa galaa dambi laakiin waxaa wanaagsanaaday kan kasoo laabta.

3-Iyadoo dhacda in xaasku ay la heshiin karin ninkeeda ehelkiisa oo ay marwalbo kula dirirto ninkeeda ama ay gaarsiiso kala dooro, taasina ma wanaagsana waayo adigaba ma jeclid inuu isaguba sidaa kugu sameeyo, hooyadiisna waa hooyadaa,walaashiina waa walaashaa, ma jeceshahay oo ma'u quurtaa haddal xun haayadaa. waxaadna ku liibaanaysaa adoo sabra taasoo ninkaaga kugu jeclaan qofkii ku haystayna iska kaa deyn ileen maantoo dhan lama dulmin karo qof aan kugu soo celineyn.

4-Qaladbaa ka dhacaya waxay leedahay leedahay markii horaan ogaa inaad faaiido soo wadin,taasina waxay ninkii tusineysaa inaad qiimo u hayn.

Kor aad



Qaladaadka raga ka dhaca :

1-Waxay u imaanaysaa iyadoo murugeysan oo rabta inay la hadasho dhag uma dhigayo ama waa dhageysanayaa laakiin ma dejinayo,marka dambana waxay iyada ku qasbeysaa inay qeeylo ku sheegto marwalabo.

2-Haddii guriga ama caruurta wax ka xumaadaan uu sidadban ku dhaho hooyo xun baad tahay isagoo dhahaya haddaad saas sameeyn lahayd ma dheceen,waxayna qoftii dumarka tusineysaa inay iyada qaladka leedahay.

3-Ma kaalmeynayo markey uga baahan tahay kaalmo xaga guriga, isagoo ay dhacdo in uusan waxba hayn.

4-Ma dhahayo xaaskiisa waan ku jeclahay qofkaa qurux badan ama kaa fiicanba ma jiro.Yeey run ahaan laakiin haddaan dumar nahay waan jecelnahay inaan maqalno hadaladaa.Waxayna keeneysaa inaan sii dadaalno,laakiin ha isku dayin inaad dhahdo mar ay xanaaqsan tahay,markaasi waxay noqoneysaa sasabasho ama kajan!

Kor aad



Haddaba sideen ku badbaadinaa?

Guurku waa in ay labada ruux wadaagan jacayl iyo maxabo.

In ay is xushmeeyaan, isna qadariyaan. Midba midka kale dhibta haysata la qaybsado oo uu haddana ka fududeeyo. Ayna isku ahaadaan waa siday soomaalidu oran jirtayee"far iyo faraanti" Yacni ay sidaa isugu dhawaadaan.

Horay waxaan usoo sheegay xaqa ay isku leeyihiin taasoo lagu dadaalo waa lagu badbaadin karaa, mida kale oo weynna waa:

  • Wada hadal, in ay reerkii ka wada hadlaan xaaladooda iyo wax walbo ay damacsan yihiin. Mida kale haddii ay jiraan sheey uu qofka kale u qabo ama uu dhibsanayo. Mana ahan in wada hadalka uu ahaado in dhibta kaliya la isku sheeganayo wax walbeey ahaan kartaa maanta maxaad la kulantayi.w.m.
  • Waa in ay ahaadaan laba qofood oo saaxiiba ah. Waayo alle wuxuu quraanka ku tilmaamay meelo badan "saaxiibtiisa iyo caruurtiisa,saaxiibtiisa iyo walaalkiisa"marka waxay na tusinaysaa labada is qabta in ay yihiin saaxiibo waana mida ugu weyn.
  • Ahaada kuwa isku raacsan xaga tarbiyada caruurta hana noqonina sida in hooyadii ay wax udiido uu aabahii u ogolaado, ama dhinaca kaleba. Waayo cunigiina ixtiraam daro buu ka qaadi waalidkii kale, waalidkii kalena waxaa dhacaysa isagana inuu markaa sidaa oo kale markiisa sameeyo.midana waxay soo galeysaa xaga tarbiyada caruurta.
  • Run ahaantii rag iyo dumar isku mid ma’aha wax anaga dumar ahaan nala qiima badan raga lama qiimo badna,raga wax la qiimo badana anaga nalama qiima badna, oo waa in aynu isku fahanaa kala duwanaanteena aana dhexda ku kulano.
  • Dumarku waxay jecel yihiin in ay ka hadlaan dhibta haysata,ragana waxaa haboon inay dhegeystaan,una muuji inaad dhegeysaneeyso. Markalena weeydii siday weli tahay, waxay dareemeysaa inaad dhageeysanaysay oo aad ka walwalaysay.
  • Raga qaarkii weey ku adagtahay inay dhibtooda kuu sheegaan laakiin tusi inaad tahay dhagaysade wanaagsan, sida hadduu kuu sheegayo wax maanta shaqada ka dhacay si fiican u dhagayso, ka waraysana.
  • Raga iyo dumarka waa in midba midka kale tusiyo siduu ugu faraxsan yahay siduu u caawiyay ama ay u caawisay. Tusiyana mahadnaqiisa. Ileeyn qof walba wuxuu doonayaa mahadnaq wuxuu qabtay. Sida inuu yiraahdo hooyo wanaagsan baad tahay,aad ayaad noo xanaaneysaa, iyadana ku tiraahdo sidaa iyo ka wanaagsanba.
  • Raga waa in ay u adkeystaan dumarkooda,una dhimriyaan, waayo qofta dumarka xaalado badan beey mareeysaa,sida inaywalacdo, marna culeeys sida, marna ay nuujineeyso. Hormoonkeeda waa uu isbadali oo waxay la imaaneysaa dabeecad aadan ku aqoon jirin,u sabar waayo rasuulka s.c.w. wuxuu yiri "u dardaaran qofta dumarka wanaag,waxaa laga abuuray feer,waana sida lafta fiideeda hore oo weey qaloocan tahay haddaad is tiraahdo toosi weey jabeeysaa,jebintana waa furiin" wuxuu kaloo yiri "qof mu’min ah yuu u caroon mu’minad, hadduu dabeecadeeda meel kanaco meel kale buu ku raali noqon" qofta dumarkana iyadana sidaa oo kale ayaa looga baahan yahay, mana aha inay qiil ka dhigato xaaladaha kala duwan ay mareeyso, oo waa in ay dadaasho intii tabarteeda ha.
  • Haddii ay timaado midii alle qadaray "furiin", waxaa roon wanaag iyo walaalnimo in lagu kala tago. Oo caruurta laga naxo dhib walba oo aad isku gaysataana ay caruurta ku bixin, ka warhaynta caruurtana aana la dayicin. Furiinka guriga ka yimaadana waxay wax u gaysataa caruurta, taasina ma’aha mawduucayga laakiin waa wax jira.

Intaan waa inta aan u arkay oo aan garanayo muhiimada guriga ku dhismi karo, reer walbana iyaga ayaa garanaya sideey reerkooda u maamuli lahaayeen intana waa is xusuusin walaashiin ka timid. Allena ha iga dhigo mida ku dhaqanta waxa ay farayso. AAMIIN AAMIIN.



Qore: Ummu Cabdullahi

 

 

 

Kor aad