ishu maxay la'ooyeysaa


Dadkii towbadkeenay


Bini'aadamku waa dambaabaa waxaana ugu qeyr badan kiisa Alle usoo laabta.
Qisooyinka aan halkaan kusoo qaadanayo waa qisooyin dhab ah, oo ay ka dhacday dad dhunsanaa haddana Alle weyne usoo laabtay.
Alle ha inaga dhigo kuwii ku waana qaata qisooyinkaan. Ishana waxay la ooyeeysaa oo ay ka qoomameeyneeysaa markay ogaatay baadida ay ku jirtay, haddana Alle ka badbaadiyay!
.

Towbadii Amina (Jarmalka)
Towbadii Ali Holmström (Sweden)
Towbadii ninkii deganaa Riyaadh
Towbadii wiilkii caasiga ku noqday hooyadii(New)





Sida ay ku islaamtay Amina oo degan wadanka Jarmalka

Iyadoo ka sheekeyneysa sababta ay ku muslimtay waxay tiri:
Maxaan u noqday muslim? Wiilkayga ayaa i weydiiyay su’aalo badan aan ka jawaabi waayay. Sida markuu i weydiiyay maxay sedex illaah u jiraan(kirishtaanka ayaa qaba inay sedex illaah jiraan) maan garanayn waxaan ugu jawaabo, waayo anigaba ma aaminsaneyn inay sedex illaah jiraan(oo ah illaah aabe, wiil iyo ruuxdaba, waa sida kirishtaanka qaba) si'aan wiilkeyga ugu dhaadhiciyana garan waayay.
Sanadka markuu ahaa 1928, oo wiilkeygii weynaaday, ayuu ii yimid maalin isaga oo oynaya oo uu iyiri: "hooyo waxaan bartay islaamka, waxayna aaminsanyihiin hal illaah oo kaliya inuu jiro, diintoodana waa diinta saxa ah. Waxaana go’aan ku gaaray inaan noqdo muslim ee hooyooy adigana noqo". Kadib ayaan bilaabay anigana inaan barto islaamka oo aan baaro. Waxaan aaday masjidka ku yaal Baarliin, waxaana gacan furan igu soo dhaweeyay imaamka masjidka, wuxuuna wax iiga sheegay intii muhiimka ahayd. Markuu ii sheegayay waxaan arkayay sida hadalkiisa uu u cadaa una ahaa mid run ah. Sida wiilkaygii oo kale ayaan anigana islaamka u rumeeyay oo ah diinta saxa ah. Marka ugu horeeyso islaamka ma jiro wax la yiraahdo sedex illaah, taasoon anigaba rumeeysnaan jirin markaan dhalinyarada ahaa.Kadib markaan islaamkii xoogaa bartay ayaan waxaan arkay diinta kirishtaanka iyo qaladkeeda iyo sida ay uga dhigaan sheekhooda weynka mid aan dambaabin. Qaladkii oo dhamaa ayaan tuuray waxaana qaatay islaamka. Waalidkeeygu waxay ahaayeen kirishtaan diinta si’aad na ugu dhegan. Waxaana kusoo barbaaray guri kiristan ah iyo iskuul kiristanba. Sidaas anoo usoo bartayna waxay ii soo leexisay diinta saxa ah ee islaamka iyo Allaha waaxidka ah. Wax walboo wanaagsana oo aan ka waayay kiristaankana waxaan ka helay islaamka. Waxaana aan aad ugu faraxsanahay islaamnimada aan qaatay. Hadana waxaan ahay ayeeyo. Waxaana aad ugu faraxsanahay caruurta aan ayeeyada u ahay oo ku dhashay islaamnimo. Waxaana hubaa inuu alle ku toosinayo wadada suuban qof walboo rabo inuu qaado.
Bal fiiriya walaalhaygoow waxay haweeneydii ku farxayso in caruurta ay ayeeyada u tahay ku dhasheen islaamnimo. Bal kawarama anaga oo ku dhalanay, ma niraahnaa kalmadahaas.

Tarjumay: Ummu Cabdullahi

Kor aad






Towbadii wiilkii dhalinyarada ee 20 jirka ahaa

Waa interview lala sameeyay Ali oo islaamnimada soo galay. Waan soo koobay anoon soo qaadan interviewga oo dhan. Ali oo hadlaya wuxuu yiri: waxaan ku dhashay oo aan ku barbaaray magaalada Ystad ee wadanka iswiidhan. Dugsiga xanaanada waxaan dhigtay iskuul kirishtaan ah sida walaalahayba. Waalidkeeyna tarbiyad fiican beey run ahaantii igu soo koriyeen. Waxaa ila dhashay wiil iyo gabar. Aabahayna waa wadaadka kaniisada. Waqtigeeygii qaangaarka waxaan ahaa sida caruurta kale. Waxaanse aad u jeclaa Karateega iyo Taekwondo haddase sidaa ma'ihi. Run ahaantii maan aheeyn qof diinta ku dhagan. Laakiin waan rumeeysnaa Ilaah, laakiin dhaqankeeyga lagama arkeeyn. Mana aan u rumeeysneeyn inuu nabi ciise ahaa Ilaah ee waxaan u rameeysnaa inuu rasuul ahaa. Diinta kirishtaankana maan u arag mid xoogleh (xaga ku dhaqanka) waxaana marwalba ka waayay wax iga qanciya.
Markii iigu horeeysay ee aan islaam la kulmo waxay ahayd jasiirada Qubrus(dhinaca turkida) fasax aan reerkeeyga la socday waxaana aan ahaa 12jir. Waxaan booqanay masjid oo aan kula kulmay gabar iswiidhish oo islaam ahayd. Waqti baa kasoo wareegatay waxaan bilaabay inaan fiiriyo buugaagteyda iskuulka ee ka hadlayay islaamka. Waxaana bilaabay inaan aqriyo islaamka, si cayaar ah baana towxiidka(laa ilaaha ilalaah) waraaq yar ugu qoray oo aan goor dhow helay.
Xiligii deyrta 1995 ayaa waxaan bilaabay dugsiga sare ee magaalada Sigtuna. Iskuulka aan dhiganayayna waxaa dhiganay islaam badan. Waxaa i qanciyay dhaqankoodii oo aan la yaabay. Markaasi baan bilaabay inaan islaamka aqriyo. Ka horna aad baan u xiiseeynayay, laakiinse markaan bilaabay inaan aqriyo quraanka ayaan arkay inuu wax walbo cad yahay. Waxaan la hadlay waalidkeey iyaguna wax raadinteeyda wax xun umeey arag.
Maalinbaa iskuulkeeyga booqday masaajidka anagoo u socona inaan wax ka weydiino ilmo iska soo ridida dumarka. Waxaa na qaabilay laba nin oo aad ii cajibiyay dhaqankooda waxaana nalagu soo dhaweeyay gacmo furan iyagoo su'aalaheena si wanaagsan ugu jawaabay. Waxaan iyaga ka arkay iyo masjidkii aan ku dhexjiray baa ayaan go'aan ku gaaray inaan soo islaamo.
Fasaxii kirismaska ayaan reerkeyga aaday, waxaana waalidkeey ku iri waxaan rabaa inaan soo islaamo. Aabahay wadaad kiristan buu ahaa haddana wax xun iigama qaadan oo waxaa u muhiimsanaa inaan ilaahay rumeeysanahay oo wuxuuba i siiyay kitaabka quraanka. Xoogaa markay kasoo wareegatay baan u qoray islaam badan iyo masjidyadaba sida loo islaamo i.w.m. waxaana habeenadii isku dayi jiray inaan dukado. Ugu dambeeyntii waxaan taleefan u diray masjidka Uppsala (iswiidhan) oo aan u sheegay inaan rabo inaan islaamo. Waxayna iga codsadeen inaan imaado maalinta jimcaha intaan salaada la galin. Waxayna ahayd 26 april 1996. Xoogaa waan yara cabsanayay inaan towxiidka si qalad ah u dhaho, haddana si fiican beey noqotay weligeeyna uma dareemin soo dhowaansho sidaasoo kale ah.
Ali waxa uu magaciisa ahaa Jens oo uu kadib markuu islaamay u badaly Ali. Wuxuu yiri isagoo hadalkiisa sii wada: wax dhibaato lama kulmin kadib markaan soo islaamay, saaxiibaday oo iga go'ay oo igu qoslayay iyo walaalkayba inkastoo hadda aan caadi nahay.
Waxaa la weydiiyay: maxay tahay waxa aad islaamka ugu jeceshahay?
-wax walbo waa uu wanaagsan yahay. Waxaana aan aad u jeclahay rumeeynta ilaahay iyo sida wanaagsan ee loo xusayo. Quraankii oo ku barayo sida aad u noolaaneeyso iyo dadka la dhaqankooda iyo xushmeeyntoodaba. Diintana waa mid fudud oo la raaci karo.
- maxay tahay sida ugu wanaagsan ee aad dadka u gaarsiin karto islaamnimada?
- inaan ahaado tusaalo wanaagsan. Kuna dhaqmo waxa ay diintu i farayso.
- waxaad buuxinaysaa 20 sano janaayo sideebuu mustaqbalkaaga u eg yahay?
- waxaan jeclahay hadduu ilaahay yiraahdo inaan waxbarto. Inaan guursadana waa muhiim.
Dhamaad.
Run ahaantii qisooyinkaan waxaa inoogu sugan waano.

Tarjumay: Ummu Cabdullahi

Kor aad





Towbadii ninkii deganaa Riyaadh

Waa qiso ka dhacday magaalada Riyaad ee wadanka sucuudiga.Wuxuu ahaa nin dayacay waajibkuu alle ku lahaa. Sanado badana muu gelin masjidka mana uu u sujuudin allahii abuuray. Wuxuuna ku towbadkeenay gabadhiisa darteed.
Isagoo sheegaya qisadiisa wuxuu yiri:Waxaan ahaa mid dayacay awaamirta uu alle faray, waxaana ku soo jeedi jiray qurun, maalaa yacni iyo saaxiibo xun. Xaaskayga maskiinada ahayd iyo gabadheeydiina dayacay, iyadana ay waano iga daashay. Habeen habeenada ka mid ah baan guriga imid waqti ay saacadu sheegeyso sedexdii, xaaskeygii iyo gabadheeydiiba hurdo weey ayeey ku jireen. Waxaan galay qol ku dhaganaa si habeenka inta ka dhiman aan ku dhameeystirto filimada xun xun. Saacadahaasoo ha saacada uu alle u soo dago samada koowaad isagoo oranaya "ma jiraa qof wax i weydiisanaya oo aan u aqbalo? Ma jiraa qof dambi dhaaf i weydiisanaya oo aan u dambi dhaafo?". Si lama filaan ha baa la'iigu soo galay qolka waaba gabadheeydii yareeyd oo aan shanta sano gaarin oo idul taagan anigana aan yaxyaxsanahay. Markaasay i tiri " aaboow ceeb ayay kugu tahay, ee alle ka cabso" waxay ku celcelisay sedex jeer, albaabka ayay ii xirtay oo ay laabatay.
Waxaa igu dhacay argagaxo aad ah, waxaana damiyay cajaladii ii shidneyd. Meelbaan fariistay iyadoo ay igu soo noqnoqoneyso hadaladeedii. Iyadiibaan u laabtay oo weey seexatayba. Waxaan noqday sidii qof waalan maxaan sameeyaa waa saacad dambee. Waxaan maqlay aadaankii hore ee masjidka. Waan weeseystay, waxaana aaday masjidka anigoo raba inaan soo dukado. Waxaana weli maskaxdeyda ka dhex yeeraya hadaladii gabadheyda oo igu weynaaday. Iimaamkiibaan ku daba tukaday, wuu sajuuday waan kadaba sajuuday markaasaan oohin weeyn la dhacay, waayo waxaan soo xusuustay inay sujuudaan tahay midii iigu horeeysay mudo sagaal sanadood ah. Salaadii ka dib masjidka ayaan fariistay, kadibana waxaan ku soo laabtay gurigayga, quraacna maan cuninee waxaan horey ka aaday shaqadeeydii.
Markaan shaqada galay baa leyla yaabay maanta dhaqso nimadayda ileeyn waxaan nin habeenkii oo dhan ku soo jeeda filimo xun xun. Sababta dhaqsonimadayada markuu i wediiyayna waxaan u sheegay arintii xalay i qabsatay, markaasuu yiri "allaa mahad leh oo gabadhaada yareeyd darteed kugu soo hanuuniyay".Salaada duhurkii marka la gaaray waxaan ahaa tacbaan oo xalay maan seexanee, waxaan shaqada weydiistay inaan bixi karo.
Waxaan imi gurigeyga anoo u xiisa qaba aragtida xaaskeyga iyo gabadheeydii aan sababteed ku towbadkeenay. Waxaan arkay xaaskeyga oo oyneysa waxaan ku iri"maxaa kugu dhacay oo aad la oyneysaa" markaasay tiri "gabadhaadii weey dhimatay! "Markaasaan meel la igaga yimaaday garan waayay oohina la dhacay. Markaan soo dagay baan dhahay waxay tani iigu dhacday imtixaan oo uu alle i imtixaanayo si uu imaankayga u eego. Alle ayaan ku mahad naqanay, taleefana u diray saaxiibkeey si aan gabadheyda u diyaariyo duugideeda. Waxaan dhaqnay oon karfinay, salaadbaana ku tukanay, markaasuu saaxiibkay i yiri " waa inaad dhinaca dhulka u dhigto". Dhinaca ayaan dhulka u dhigay iyadoo ay ilmada iga qubaneeyso, waxaana iri "aniga maan duugin gabadheeyda laakiin waxaan duugay nuurkii ii i fiyay wadada" waxaana alle ka baryayaa inay naarta xijaab iiga noqoto, iyo inuu alle xaaskeyga ajar ka siiyo sabarkeey ii sabartay.
Waa cibro weeyn haddaan ku waanaqaadaneeyno.

Tarjumay: Ummu Cabdullahi

Kor aad




TOWBADII WIILKII HOOYADIISA CAASIYAY


Wuxuu hadal ku bilaabay wiilkani: Allow ii dambi dhaaf dambiga aan hooyaday ka galay. Aabahay wuxuu dhintay aniga oo yar hooyaday baa isoo korisay oo la rafaaday koriimadeyda,aniga keligeeybeey caruur iga haysatay. Waxay i gelisay iskuul si aan cilmi u yeesho, kadib markaan weynaadayna waxay ii dirtay jaamacad wadamada galbeedka ah. Markaan sii baxayay beey ila dardaarantay oo ay i tiri wiilkeeygiiyoow ha i ilaawin, xiriirkana ha gooyn. Mudo ka dib markaan jaamacadayda soo dhamaystay baan wadankeygii kusoo laabtay. Waxaana aan lasoo laabtay dabeecad qalafsan oo aan raxmad lahayn, waxaan noqday mid un oo ka dambeeyo nolosha aduunka iyo qayaaligeeda. Waxaan helay shaqo aad u heeersareeysa, kadibna waxaan bilaabay inaan raadiyo mid aan nolosha la wadaago. Hooyaday baa ii tilmaantay gabar dhowrsan oo diin leh, laakiin waan ka diiday oo waxaan rabay gabar xadaarada (ilbaxnimada) la socota "waa siday yiraahdaanee"oo quruxna leh. Waxaan guursaday gabar noocaan doon doonayay ah. Lix bilood markaan is qabno beey xaaskeeygii biloowday inay hooyaday caaydo aayna karahsato, taasina waxay keentay inaan anigana hooyadeeydii karahsado maadaama ay marwalbo xaaskeyga isku xun yihiin. Maalin maalmaha ka mid ah baan imid xaaskeeyga oo ooyneeysa, markaan weydiiyay waxa ay la ooyneeyso waxay tiri; Ma u adkeeysan karo ama hooyadaa raac ama aniga. Waan xanaaqay oo aan hooyaday ku iri iiga tag gurigeeyga . Weey ooyday waxayna tiri markay sii baxaysay; wiilkeygiiyoow Alle hakuu gargaaro. Saacado kadib markii uu xanaaqii iga dagay baan raadiyay laakiin waan waayay, kadibna gurigeeygiibaan isaga soo laabtay. Xaaskeeygiibaa isku deyday inay i hilmaansiiso hooyadeydii qaaliga ahayd, anigana caqli yaradeydii sidii baan ku ilaaway oo maan deydeyin. Sidaabuuna xiriirkiina ku kala go'ay. Waxaa kasoo wareegatay mudo waan xanuunsaday jiro xun oo aan isbitaal lagalo. Hooyaday baa ogaatay inaan isbitaal galay, weey isoo booqatay laakiin inteeysan iisoo gelin baa xaaskeygii albaabka ka celisay oo ku tiri ku noqo meeshaad ka timid. Hooyadeyna sidii beey ku laabatay. Isbitaalkiibaan kasoo baxay xaalad nafsi ahna waan u xanuunsaday. Shaqadeydii baa la iga taqalusay, deymo badan baa laigu yeeshay gurigeygiibaa la igala tgay. Intaasina waa xaaskeeygii oo waxwalba dooneysa. Markaan kusoo baxay nin xanuunsan oo aan shilin haysan beey xaskeygii quruxda lahayd i tiri; maadaama aad shaqo la'aan noqotay, wax maal ahna aadan haysan, mujtamacana aadan meel ku lahayn hadaba ku doonimaaye iska keey fur!. Madaxii baa i weeynaaday, naagtii aan hooyaday ka doortay sidaa beey maanta ii gashay. Waan furay, kadibna mugdigii aan ku jiray iyo hurdadii baan ka toosay. Kadib waxaan doondoonay hooyaday waan helay inteesa ka helay. Waxaan arkay hooyaday oo kunool sadaqada lasiiyo. Waan usoo galay markay i aragtay beey ooyday, anigana lugaheedii baan qabsaday oo aan la dhacay oohin, labadeeniiba waxaan isla qabsanay oohin. Waxaan xaaladaa ku sugneyn mudo saacad ah. Waan kasoo waday meesha ay joogtay oo aan keenay halkii aan deganaa. Maalintii wixii ka dambeeyayna hooyadeey ma caasin oo waxaan u noqday baari adeeca, iyo mid ku toosan Alle awaamirtiisa. Haddana waxa aan ku noolahay nolol raaxe leh iyo hooyo macaan, Alle dambigeeda ha dhaafe, Allena caafimaad ha ii siiyee.

Tarjumay: Ummu Cabdullahi

Kor aad